Sarkaal ka tirsan NISA oo maanta si dirqi ah kaga bad-baaday qarax loogu xiray gaarigiisa (SAWIRO)

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Nuur Samatar (Caana Boore) ayaa maanta si dirqi ah kaga bad-baaday qarax miino oo sida la sheegay loogu xiray gaari uu watay.

Sarkaalka qaraxa lala eegtay ayaa la sheegayaa inuu watay gaari noociisu yahay SURF, waxaana uu maraayay agagaarka wasaaradaha dhalinyarada iyo isboortiga ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in C/laahi Nuur Samatar (Caana Boore) oo ahaa sarkaalkii qaraxa ka bad-baaday uu haatan bad-qabo islamarkaana uu soo gaaray dhaawac fudud.

“Sarkaal ka tirsan NISA oo lagu magacaabo C/laahi Nuur Samatar (Caana Boore) ayaa gaarigiisa qarax loogu soo xiray, waxaana soo gaaray dhaawac fudud oo haatan xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo” Sidaas waxaa yiri Axmed Xasan Maalin.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo markii dambe soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Ma jirto cid baaritaankaasi lagu soo qab-qabtay, ama sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeysay ay yaraadeen qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!