Seddax nin oo dadka tahriibin jiray oo maanta laga soo dejiyay garoonka magaalada Muqdisho

Seddax nin oo dadka tahriibin jiray ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii laga soo qabtay magaalada Jubba ee Koonfurta Sudan.

Saddexdaas nin oo lagu kala magacaabo Ceydaruus C/laahi Naxar, C/raxmaan Maxamuud Socdaal iyo Liibaan C/laahi Xuseen ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska ee Koofurta Sudan iyo booliska adduunka ee Interpol, waxaana iyagoo gacmaha ka katiinadaysan maanta laga soo dejiyay garoonka Muqdisho.

Nimankaas laga soo dejiyay garoonka magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa koox isku xiran oo dadka u tahriibiya dalka Libya, halkaas oo ay uga sii gudbi jireen dalka Talyaaniga.

Muddo todobaad kahor ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho sidaan oo kale looga soo dejiyay nin magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cumar Cabdulle.

C/qaadir Cumar Cabdulle oo isna ka mid ahaa dadka wax tahriibiya ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Jubba ee Koofurta Sudan, waxaana ugu dambeyntii loo gacan geliyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!