Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay (SAWIRO)

Ciidamada nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa maanta gacanta ku dhigay gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa oo maraayay duuleedka magaalada Muqdisho.

Gaarigaasi la qabtay oo noociisu yahay kuwa raaxadda ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid la doonayay in qaraxyo looga geysto magaalada Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidanka nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Saraakiisha ciidamada NISA oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga la qabtay ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, kaasoo ay ciidamadu ku qabteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, saraakiishaasi ayaa sheegay in haatan qaraxyadii laga dajiyay gaariga islamarkaana gacanta lagu haayo dadkii la socday gaarigaasi oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha Al-shabaab, kaas oo ay kaga hadlayaan gaarigaan iyo dadkii la socday oo haatan gacanta ugu jira ciidamada nabad-sugidda Qaranka ee NISA.

error: Content is protected !!