Faah faahin:- Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa deegaanka oo taageersan maamulka Galmudug.

Dagaalkaasi oo bilawday duhurnimadii maanta ayaa socday muddo saacado ah, waxaana la sheegayaa inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Illaa 7 qof oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku geeriyootay, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale, dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya uu wada-hadalo uga socdo maamulada Galmudug iyo kuwa Ahlu-suna Waljameeca.

Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay ka taagnaa xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa dadka deegaanka, kuwaas oo kala taageersan maamulada Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa Galmudug.

error: Content is protected !!