Shaqaalaha muruq-maalatada dekedda Berbera oo shaqo joojin sameeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shaqaalaha dekadda magaaladaasi ay ku dhawaaqeen shaqo joojin guud, kadib markii ay is fahmi waayeen maamulka shirkadda maamusha dekeddaasi ee DP World.

Shaqaalaha muruq-maalatada ee dekedda magaalada Berbera ayaa ka cabanaya meel ka dhac xuquuqeed ay ku hayaan mas’uuliyiinta dekaddaasi.

Shaqaalahaasi ayaa sheegay inaysan helin xuquuqdooda iyo inaysan heysan heshiisyadii ay la galeen maamulka shirkadda DP World oo ay ka mid tahay inay bixiso qasaaraha ka dhasha shaqaalaha ku dhaawacma gudaha dekadda.

Guddoomiyaha muruq-maalatada dekadda Berbera Ciise Cali Hangoole ayaa sheegay in 429 qof ay shaqada joojiyeen, kadib markii ay shirkadda DP World ka baxday ballamihii ay la galeen.

Dhinaca kale, waxa uu guddoomiyaha xusay in 6 markab oo rarid iyo dejin u baahan ay haatan ku xiran yihiin gudaha dekadda Berbera, una baahan yihiin dejin, taas oo wali hakad ku jirta.

error: Content is protected !!