Faah faahin:- Dagaal culus oo maanta markale ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta markale uu halkaasi ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa deegaanka oo taageersan maamulka Galmudug.

Dagaalkaasi oo daba-socda dagaal duhurnimadii shalay halkaasi ka dhacay ayaa la sheegayaa inay guud ahaan ay ku geeriyootay ku dhawaad 20 qof, halka in ka badan 40 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dadka ku dhaawacmay dagaalkii shalay iyo maanta ayaa la sheegayaa in la kala geeyay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo xaaladooda caafimaad halkaasi lagula tacaalayo.

Sidoo kale, dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo xiisad todobaadyadii ugu dambeeysay ka taagneyd deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa haatan waxa laga maqlayaa rasaas goos-goos ah oo ay is-dhaafsanayaan labada dhinac, mana jiraan dadaal nabadeed oo la dhex-dhigay dhinacyadaas.

Dhinaca kale, madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in halkaas loo diri doono guddi xaqiiqo raadis ah, oo baaritaan ku sameeya qaabkii uu ku bilawday dagaalkaas.

error: Content is protected !!