Madaxweyne Farmaajo oo baaq deg-deg ah kasoo saaray dagaalka deegaanka Xeraale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee gobolka Gal-guduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin inay sii socoto.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu joojinayo colaaddaan ,waxa uuna intaas raaciyey in deeganadaas loo dirayo guddi soo baara sababaha keenay dagaalkaas iyo dhibaatada ka dhalatay.

“Dowladda indhaha kama fiirsaneeyso, umana dulqaadan doonto inay colaadda sii socoto, dadkeenna aan waxba galabsanna lagu sii dhibaateeyo. Deegaanka colaaddu ka dhacday waxaan u dirayaa guddi xaqiiqo raadin ah kuwaas oo soo baara sababaha dhabta ah ee kiciyay colaadda.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan eheladii iyo qarabaadii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu laayey dagalaaka ka dhacay deeganaadaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaanan weli ka hadlin dagaalada iyo colaadda soo laalabatay oo ka taagan deegaanada ku yaalla gobolka Sh/dhexe.

error: Content is protected !!