Al-shabaab oo kaarar aqoonsi ah u sameeysay odayaasha iyaga taageera (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay halkaasi kusoo bandhigeen odayaal la sheegay in laga kala keenay deegaanada gobolkaasi islamarkaana Shabaabka taageera.

Al-shabaab ayaa odayaashaasi u qabatay seminaar socday muddo 4 maalmood ah, waxaana markii uu soo gaba-gaboobay seminaarkaasi halkaasi kula hadlay qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in tababarkaan ay uga gol leeyihiin inay uga gudbaan shakiga ay ka qabaan odayashaas, waxaana ugu dambeyn odayaashaasi la siiyay kaarar aqoonsi ah oo uu ku qoran yahay qof walba magaciisa, qabiilkiisa halka uu ka yimid iyo jagada uu haayo.

Kaararkaasi la siiyay odayaashaasi ayaa waxay u sahleysaa inay iyagoo aanay wax cabsi ah dareemin ay ku dhex maraan dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

error: Content is protected !!