Hal qof oo ku dhintay konteenar soo go’ay dekedda magaalada Berbera (SAWIRO)

Hal qof oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud ayaa ku dhintay Konteenar soo go’ay oo saarnaa Markab ay dejinaayeen shaqaalaha dekedda magaalada Berbera, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka shaqeeya dekedda magaalada Berbera ayaa la sheegay in xilliga uu Konteenarka soo go’aayay ay ku howlanayeen dejinta kontoonerkaas.

Guddoomiyaha magaalada Berbera ee maamulka Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilkaasi uu dhacay saqdii dhexe ee xalay.

Maraakiibta taagan dekedda magaalada Berbera ayaa inta badan waxaa la dejiyaa xilliyadda habeenkii.

Dhinaca kale, ciidamada booliska maamulka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay inay bilaabi doonaan baaritaano ku aadan geerida marxuum Daa’uud.

Waa shilkii ugu horeeyay oo ka dhaca dekedda magaalada Berbera, wuxuuna shilkaan kusoo beegmayaa xilli maalmihii ugu dambeysay dekeddaasi ay ka taagnayd xiisad u dhaxeeysay ganacsatada iyo maamulka dekeddaas.

error: Content is protected !!