Sanbaloolshe “Cidda Al-shabaab lacag ugu geysa deegaanada ay degan yihiin, iyaga ayay la mid yihiin..”

Taliyaha hay’adda nabad-suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA C/laahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”, wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, taliyaha ciidanka nabad-sugida Soomaaliya iyo sidoo kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo habeenkii xalay shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa uga digay ganacsatada inay lacago siiyaan kooxda Al-shabaab.

Mas’uuliyiintaasi ayaa si wadajir ah u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tallaabo adag ka qaadi doonto ganacsatadda taageerada lacageed Al-shabaab ugu geysa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Taliyaha hay’adda nabad-sugidda ee NISA C/laahi Sanbaloolshe oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro Al-shabaab uu noqonayo mid aan joogsaneyn, hadii aan Shabaabka laga jarin dhaqaalaha, wuxuuna shacabka iyo ganacsatadba ugu baaqay inay dowladooda taageeraan.

“Wixii hadda ka dambeeyo, cidda Al-shabaab lacag ugu geysa deegaanada ay degan yihiin, iyaga ayay la mid yihiin, tallaabo ayaa laga qaadayaa, hantideedna waa lala wareegayaa, mana jiri doonno wax turiin ah” Sidaas waxaa yiri Taliye Sanbaloolshe

error: Content is protected !!