XOG:- Ra’iisul wasaare Kheyre oo farageliyay khilaaf ka taagan wasaaradda arrimaha gudaha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa inuu faragelin baahsan ku sameeyay khilaaf ka dhex taagan mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Khilaafkan oo sida la sheegay ka dhashay shaqo ka joojin uu wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ku sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim ayaa waxaa arrintaas ka hor yimaadeen wasiiru dowlaha wasaaradda iyo wasiir ku-xigeenka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kullamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareeysa ee wasaaradda, isagoo kala hadlay xaaladda ka dhalatay xil ka qaadista xoghayaha, waxayna wararku sheegayaan in wasiir Juxa uu si cad ugu sheegay ku xad-gudubka xeerka golaha wasiirada.

Xiisada ka dhalatay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa weli xal kama dambeys ah loo helin, waxaana lagu wadaa inuu maanta shir isugu keeno seddaxda mas’uul ee ugu sareysa wasaaradda oo shalay oo soo wada saaray qoraalo iska horjeeda.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa haatan u muuqda mid wajahaya xaaladii ugu adkeyd ee kasoo wajahda xukuumadiisa, iyadoo uu hore indhaha uga qabsaday shaqo joojin lagu sameeyo agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood iyo kuwo cusub oo la magacaabay.

Illaa iyo haatan lama oga tallaabadda xigi doonto ee uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre arrintaan ka qaadan doonno.

error: Content is protected !!