Ciidamada dowladda oo fashiliyay miino lagu aasay deegaanka KM13 ee duuleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka KM13 ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay wadada dhinaceeda.

Dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka KM13 ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ku wargeliyay in qarax miino halkaasi lagu aasay.

Goobta lagu aasay miinadaas waxa uu marin u yahay gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa miino baarista u qaabilsan ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay qaraxaas kala furfuraan, kahor inta aysan qarxin.

Dhinaca kale, xiriiro kala duwan oo aynu la sameeynay saraakiisha ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ayaanan inoo suurto-gelin, si aan wax uga weeydiino qaraxaasi ay fashiliyeen.

Inta badan deegaanada ku yaalla duuleedka magaalada Muqdisho waxaa dhowr jeer hore ka dhacay qaraxyo kala duwan, waxaana inta badan qaraxyadaasi lala eegtaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Deegaanka KM13 ayaa waxaa ku nool dad kasoo barakacay abaartii ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!