Dowladda oo beenisay qoraal lagu daabacay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soona baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com.

Maqaalkaan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu kullan 3 diblomaasi ah kula yeeshay magaalada Hargeysa, waxeyna warbixintaan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusuf ee Hormuud, C/rashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

Waxay dowladda federaalku caddeyneysaa inuusan dhicin kullan looga hadlayay sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan.

Sidoo kale, dowladda federaalku waxay welwel ka qabtaa maqaalkaan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda federaalku waxey cadeyneysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto.

Dowladda Federaalka wey fahamsan tahay waana ka go’an tahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo.

-DHAMAAD-

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

error: Content is protected !!