Israsaasdeyn dhexmartay ciidamada xasillinta Muqdisho iyo dabley hubeysan

Ciidamada xasillinta ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku dhigtay dabley hubeysan oo uu iska hor-imaad ku dhex maray xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir.

Iska hor-imaadkaasi ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii ciidamada xasillinta oo ku jira howlgal ay labo nin oo hubeysan ku amreen inay hubka dhigaan, balse ay ka dhego adeegeen.

Dableyda hubeysan iyo ciidamada xasillinta ayaa waxaa kadib dhexmaray israsaaseyn muddo daqiiqado ah socotay, waxaana la sheegay in markii dambe ay dableydaasi hubeysan is-dhiibeen, iyadoo kadibne la xiray.

1 askari oo ka tirsan ciidamada xasillinta ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in rasaastaasi uu ku dhaawacmay, waxaana dhaawaciisa markii dambe loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Inta ay israsaaseyntu socotay ayaa waxaa khal-khal amniyeed soo galay dadka ku nool xaafadaha degmada Wadajir, iyadoona markii dambe ay xaaladda si caadi ah kusoo noqotay.

Dhinaca kale, labada nin ee dagaalka kala hor yimid ciidamada xasillinta ayaa haatan la geeyay xarunta dambi baarista ciidamada, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo dabley hubeysan dagaal kala hor-yimaadaan ciidamada xasillinta magaalada Muqdisho, iyadoona xilliyada ay dagaaladaasi dhacaan uu ka dhasho qasaare lixaad leh.

error: Content is protected !!