Kullanka madaxda sare iyo shaqaalaha dowladda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kullanka madaxda sare iyo shaqaalaha dowladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa madaxdooda, sidoo kalena waxaa kullanka looga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha, waxaana munaasabadda goob-joog ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo shaqaalaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kan muhiimka ah, ayaa ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aysan horey u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.

“Waxaan ognahay inaad dalkaan ugu soo shaqeyseen duruufo adag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaarteen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan”

“Hadii aan rabno inaan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan” Sidaas waxaa yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaaro horumarka uu higsanayo.

“Hadii aan ku guuleysanay inaan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah”. Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Kullanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyay wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo guddiga shaqaalaha rayidka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
fariimaha@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!