Ciidamo badan oo la geeyay madaxtooyadda Soomaaliya iyo xaalad cabsi ah oo jirta

Tirada ciidamada illaalada koontaroolka xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in la kordhiyay, kadib iska hor imaadyo kala duwan oo shalay ka dhacay degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir.

Iska hor imaadyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaarkood ku lug yeeshay ciidamada illaalada ka ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo lagu magacaabi jiray¬†Ciise Xasan Caraale (Jiijiile).

Sidoo kale, iska hor imaadyadaasi ayaa waxaa ku geeritootay tiro kale oo askar ah, waxaana haatan xabsiga la dhigay dhammaan ciidankii ku lugta lahaa iska hor imaadyadaas.

Dhammaan meelaha laga illaaliyo xarunta madaxtooyada ayaa haatan waxaa la geeyay ciidamo cusub oo ka badan kuwii hore, waxaana sidoo kale goobahaasi lagu arkayaaa gaadiidka dagaalka oo ay ciidamadaasi wataan.

Meelaha ugu waaweyn ee isbadelada laga sameeyay ayaa waxaa ka mid ah isgoysyada Ceel-gaabta, Tiyaatarka Qaranka, Sayidka iyo godka Jilacoow iyo meelo kale oo badan, waxaana sidoo kale kontroolka laga galo madaxtooyadda Soomaaliya ka howlagali doonno ciidamo isugu jira booliis iyo militeri.

error: Content is protected !!