Waxyaabihii kasoo baxay kullankii deg-dega ahaa ee uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay kullan deg-deg ah isugu yeeray guddiga amniga, iyadoo kullankaasi looga hadlay iska hor imaadyo qasaare geystay oo dhex maray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Kullankaasi oo ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa iska hor imaadyadii shalay gil-gilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya islamarkaana lagu dilay askar iyo taliye ka tirsanaa ciidanka NISA.

Mas’uuliyiinta kullankaasi kala qeyb-gashay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga, wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga, wasiirka cadaaladda, wasiirka maaliyadda, taliyeyaasha booliska, nabad-sugida, taliye ku-xigeenka militeriga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale oo badan.

Kullankaasi ayaa natiijadda kasoo baxday ah in xabsiga loo taxaabay ciidamadii ka qeyb qaatay isku dhacyadii shalay gilgilay magaalada Muqdisho, laguna bedelay ciidamo cusub, islamarkaana la bilaabay baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen.

error: Content is protected !!