Baarlamaanka oo u yeeray labo ka mid ah wasiirada xukuumadda Soomaaliya

Labo ka mid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in looga yeeray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hortagaan baarlamaaanka Soomaaliya, si suaalo looga weydiiyo eedeymo loo haysto.

Illaa 60 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan mooshin ka keenay wasiirka garsoorka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo ku saabsan dhismaha golaha adeegga garsoorka oo xildhibaanada ay doonayaan in dib loogu noqdo.

Maalinta berri oo Sabti ah ayaa la filayaa in wasiirka garsoorka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji uu hortago baarlamaanka Soomaaliya, si uu uga jawaabo eedeymaha loo haysto.

Dhinaca kale, illaa 10 xildhibaan ayaa sidoo kale mooshin ka gudbiyay wasiirka dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiir Xoosh ayaa loo heystaa cambaareyn uu dhawaan u jeediyay baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa qaraarkii ay ku diideen go’aankii maxkamadda sare ee sharcinimmada 8 kursi oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Kullanka baarlamaanka Soomaaliya ee maalinta berri dhici doonna ayaa la filayaa inuu noqdo mid soo shaac bixiya xiriirka muddooyinkii dambe sii xumaanaya ee u dhaxeeya baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda uu hoggaaminaayo Xasan Cali Kheyre.

error: Content is protected !!