Banaanbax ballaaran oo maanta ka dhici doonna magaalada Gaalkacyo

Waxaa maanta lagu wadaa in koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu ka dhaco banaanbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo fanaanada caanka ah ee Fartuun Axmed Sahal (Fartuun Birimo).

Mid ka mid ah dadka ka qeyb-gali doonno banaanbaxa maanta ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay inay banaanbaxaasi uga gol-leeyihiin, si ay uga cawdaan ciidamo illaalo u ahayd Fartuun Birimo oo dil u geystay dad shacab ah.

Xilliyadda soo socdo ayaa la filayaa in dadka banaanbaxa dhigaya ay isugu soo baxaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Gaalkacyo, waxayna dadkaasi muujin doonaan sida ay uga xun yihiin dilka naxdinta leh oo ay geysteen ciidamo illaalo u ahayd fanaanada Fartuun Birimo.

Fanaanada Fartuun Birimo ayaan weli ka hadlin dilka ay illaaladeeda u geysteen dadka shacabka ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Showgii ay xalay ku dhigan lahayd magaalada Gaalkacyo uu fashil kusoo dhamaaday, kadib markii ay ishortaag ku sameeyeen cullimada ku nool magaalada Gaalkacyo.

error: Content is protected !!