Ra’iisul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee IGAD (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkaan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey.

Sidoo kale kullanka waxaa goob-joog ka ahaa xoghayaha guud ee urur goboleedka mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD.

Danjiraha cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana caddeeyay sida ay uga go’antahay in xukuumadda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha mudnaanta sare u leh dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ugu hambalyeeyey danjire Dr. Maxamed Cali Guyo xilkan cusub, wuxuu cadeeyey in dawladda Soomaaliya iyo IGAD ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta qotada dheer ee ka dhaxeysa labada dhinac, islamarkaana aragtida waqtiga fog iyo kan dhow ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fullin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
fariimaha@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!