Ciidamada Itoobiya oo xabsiga u taxaabay taliyihii ciidamada booliska ee saldhiga degmada Luuq

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xabsiga u taxaabeen taliyihii ciidamada booliska ee saldhiga degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil.

Xariga taliye Diyaad Cabdi Kaliil ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan uu amar ku bixiyay in lasoo xiro.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan ayaa maalintii khamiista ahayd ka bad-baaday qarax ka dhacay duuleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in sababaha ugu weyn ee loo xiray taliye Diyaad Cabdi Kaliil ay tahay arrin la xiriirta maxaabiis dhawaan laga sii daayay saldhiga degmada Luuq.

Taliye Diyaad Cabdi kaliil oo haatan ku xiran saldhig ku yaalla degmada Dooloow ayaa waxay walaalo yihiin wasiiru dowlaha amniga maamulka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hore guddoomiye uga ahaa gobolka Gedo.

error: Content is protected !!