Faah faahin:- Koox hubeysan oo weerar ku qaaday hoyga madaxweyne ku-xigeenka Kenya (SAWIRO)

Koox hubeysan ayaa galabta abaarihii 1-da duhurnimo weerar xoogan ku qaaday hoyga uu deegaanka Sugoi ka degan yahay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Kooxdaasi hubeysan ayaa la sheegayaa inay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidanka GSU Kenya, kaas oo illaalo ka ahaa hoyga madaxweyne ku-xigeenka, iyadoona kooxdaasi hubeysan ay u suurto-gashay inay gudaha u galaan dhismaha ay weerareen.

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Kenya oo dadiiqado kadib gaaray dhismaha hoyga madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay toogtaan dableydaasi hubeysan oo la aaminsan yahay inay ahaayeen illaa 4 qof.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Rutto ayaa la sheegayaa in xilliga uu weerarka dhacaayay inuu ka maqnaa guriga, wuxuuna guriga ka baxay waxyar kahor inta uusan weerarka dhicin.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli lagu wado in 8-da bisha soo socoto ee August ay dalka Kenya ka dhacaan doorashada xilka madaxweynaha dalkaas.

error: Content is protected !!