Faah faahin:- Qarax qasaare geystay oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay inta u dhaxeeysa Isgoysyadda SOS iyo Ex-Kontrol Balcad ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid lala damacsanaa in lagu beegsado gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday gaari yar oo noociisu yahay kuwa raaxada ah.

Gaarigaasi ayaa wararka waxay sheegayaan inay saarnaayeen labo qof oo shacab ah, waxaana labadaasi qof soo gaaray dhaawacyo culus.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in labada qof ee watay gaariga uu qaraxa haleelay ay ahaayeen ciidamada loo yaqaano Minishiibiyadda ee qaada lacagaha canshuurta.

Ciidamo ka tirsan kuwa xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho oo goobta uu qaraxa ka dhacay ka agdhawaa ayaa markii dambe soo gaaray goobtaasi, waxayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah.

Ciidamadaasi ayaa muddo saacado ah xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana inta ay goobtaasi howlagalada ka socdeen hakad ku yimid isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee halkaasi ka jiray.

error: Content is protected !!