Muwaadin Soomaaliyeed oo kilyihiisa laga soo saaray 700 oo dhagax

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/raxmaan ayaa qaliin looga sameeyay kilyihiisa laga soo saaray in ka badan 700 oo dhagxaan, sida ay sheegeen dhaqaatiirta qaliinka ku sameeysay muwaadinkaasi Soomaaliyeed.

C/raxmaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa la sheegayaa in muddo seddex sano ah uu ka xanuunsanayay dhinaca dhabarka ah, wuxuuna markii dambe u tagay isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

C/raxmaan ayaa markii xilligaasi la baaray kadib, waxaa kilyihiisa lagu arkay dhagxaan, waxaana lagu sameeyay qaliin oo sababay in killidiisa bidix ay qaado infekshan (Caabuq) oo wax looga qaban waayay dalka gudihiisa.

C/raxmaan oo muddo seddax maalmood kahor qaliin kale lagu sameeyay isbitaalka Virinchi Hospital oo ku yaalla dalka Hindiya ayaa la sheegay in illaa 700 oo dhagxaan ah laga soo saaray labadiisa killi, sida ay sheegtay Surya Prakash oo ah dhaqtaradda qaliinka ku sameeysay C/raxmaan ee Isbitaalkaasi ka howlgasha.

Drs. Surya Prakash ayaa sheegtay in muddo 8 bilood kahor C/raxmaan killida bidix qalliin looga sameeyay uu ka qaaday Infekshan (Caabuq) islamarkaana uu dhibaato kale kasii qaaday.

Waxay sheegtay inta aysan labada qalliin billaabin kahor ay dib u habeyn ku sameeyeen labada kilyadood oo dhagxaanta ku jiraan, markii ay Infekshanka (Caabuqa) ka saareen, kadib ay billaaabeen in mid mid ay qaliin ugu sameeyaan.

Sidoo kale, waxay dhaqtarada sheegtay in hal dhagax oo 3 sinti mitir ah laga soo saaray killida bidix, sidoo kalena boqolaal dhagxaan oo yaryar ah laga soo saaray killida midigta ah.

Drs. Surya Prakash ayaa sheegtay in tirada dhagxaanta ay tahay tii ugu badneyd ee qof laga soo saaro oo ay aragto intii ay dhaqtaradda aheyd, waxaana ay intaasi ku dartay in inta ugu badan ee ay arki jirtay ay ku qiyaaseyso 150 illaa 200 oo dhagxaan.

Ugu dambeyntii, dhaqaatiirta isbitaalka ayaa haatan baaritaano ku sameeynaya maadada kiimikada ah oo ay dhagxaantaasi ka sameysan yihiin, balse dhaqaatiirtaasi ayaa badankooda aaminsan in waxani aysan ahayn wax ku kilyaha C/raxmaan beermay, balse ay yihiin wax ay qoyskiisa hore u qabi jireen.

error: Content is protected !!