Ra’iisul wasaare Kheyre oo booqday xarunta ay degan yihiin ciidanka xasillinta ammaanka Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo markale maanta booqday xarunta ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mid mid u gacan qaaday askarta ka tirsan ciidankaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, wasiirka xanaanadda xoolaha iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa u sheegay ciidankaasi inuu ugu yimid inuu uga tacsiyeeyo dhibta dhawaan soo gaartay iyo sidoo kale inuu uga mahad-celiyo howsha weyn oo ay ka haayaan magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ciidankaasi u sheegay inuu si weyn u qirsan yahay kaallinta ay uga jiraan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, isagoona dhinaca kale ku boggaadiyay inay howshaasi hore usii wadaan.

“Waxaan maanta idinkugu imid inaan marka hore idinkaga tacsiyeeyo dhibta idinku dhacday, marka xigtane waxaan rabaa inaan idinkaga mahad-celiyo howlaha weyn oo aad ka wadaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ammaanka iyo xasiloonida laga dareemayo magaalada waxaa sabab u ah idinka, waana idinkaga mahad-celinayaa arrintaasi, waxaana markale idinku boggaadinayaa inaa howsha meesha kasii wadaan oo aadan marnaba ka caajisina” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa inta badan booqda xarumaha ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay arrinkaasi ugu noqoto dhiiro-gelin iyo in ciidankaasi la dareensiiyo in loo ogsoon yahay howlaha culus oo ay dalka ka haayaan.

error: Content is protected !!