Maxaa kasoo baxay shirkii xarunta Xalane ee dowladda Soomaaliya iyo AMISOM?

Shir u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo AMISOM islamarkaana socday muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay qodobo ay ka mid yihiin sida ugu wanaagsan ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale, shirkaasi ayaa markii uu soo gaba-gaboobay ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya haatan lagu wareejiyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah:-

1- In Midowga Afrika ee AMISOM ay ka qeyb qaataan dhismaha ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

2- In laxoojiyo dar-dargelin howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, oo ay si wadjir ah u fullin doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

3- In ciidamada xoogga dalka Soomaaliya la siiyo tababaro dheeraad ah qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, si ay u hantaan amniga dalka.

4- In AMISOM ay garab istaagto sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay udhisi laheyd ciidamo isku dhaf ah oo hanta guud ahaan amniga dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!