Madaxweyne Gaas oo maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub (AKHRISO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay wasiiradii hore kalsoonida kala laabteen.

Golaha wasiirada cusub ee Puntland oo ka kooban illaa 53 xubnood oo isugu jira wasiiro, wasiir ku-xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa waxaa ku jira wasiiro hore uga tirsanaa wasiiradii kalsoonida lagala laabtay.

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayaa kala ah sidatan:-

1- Saalax Xabiib Jaamac waxaa loo magacaabay wasiirka cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta.

2- C/laahi Cali Xirsi Timo-cadde waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, dowladdaha hoose iyo horumarinta reer miyiga.

3- Axmed C/laahi Yuusuf  waxaa loo magacaabay wasiirka amniga iyo DDR-ta.

4- C/laahi Saciid Caarshe waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Puntland.

5- Shire Xaaji Faarax waxaa loo magacaabay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga.

6- C/fitaax Saciid Caynab waxaa loo magacaabay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka.

7-  Abshir Aw Yuusuf Ciise waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada barbaarinta iyo tacliinta sare.

8- Dr. C/naasir Cismaan Ciise waxaa loo magacaabay wasiirka caafimaadka.

9- C/raxmaan Barkhadle Warsame waxaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta.

10- Saciid Maxamed Raage waxaa loo magacaabay wasiirka dekedaha, gaadiidka iyo amniga badda.

11- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash ) waxaa loo magacaabay wasiirka duulista hawadda iyo garoomadda Puntland.

12- Maryan Axmed Cali waxaa loo magacaabay wasiirka horumarinta, haweenka iyo arrimaha qoyska.

13- Cabdi Xirsi Cali Qarjab waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta boostada, dhaqanka iyo isgaarsiinta.

14- C/weli Xirsi Cabdule waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

15- C/laahi Sheekh Axmed waxaa loo magacaabay wasiirka xanaanada xoolaha.

16- C/nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe)  waxaa loo magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka.

17- Dr. Cali C/laahi Warsame waxaa loo magacaabay wasiirka deegaanka, duurjoogta iyo dalxiiska.

18- C/rashiid Maxamed Xirsi waxaa loo magacaabay wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

19- C/khadar Faarax Shaaciye waxaa loo magcaabay wasiirka dib u dhiska maalgashiga iyo horumarinta.

20- C/raxmaan Sheekh Axmed waxaa loo magacaabay wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiir ku-xigeenadda

21- C/fitaax Xasan Xuseen Waloore waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka cadaaladda diinta iyo dhaqan celinta.

22- C/laahi Xaashi Qoob Deero waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka arrimaha guddaha iyo dowladdaha hoose.

23- C/casiis Maxamed Aadan waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka amniga iyo DDR-ta.

24- C/salaan Bashiir C/salaan waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka maaliyadda.

25- Saciid Faarax Maxamuud waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga.

26- C/raxmaan Cabdi Ismaaciil waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka dastuurka iyo arrimaha fedaraalka.

27- Dr. Maxamed Cali Faarax waxaa loo magaacaabay wasiir ku-xigeenka waxbarashadda iyo tacliinta sare.

28- Dr Faarax Maxamed Warsame waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

29- Faarax Cali Cabdi waxaa loo magcaabay wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka.

30- C/risaaq Nuur Cumar waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda.

31- Sucaad Saalax Nuur waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka duullista hawadda iyo garoomadda.

32- Faa’iso Cali Ismaaciil waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka horuminta haweenka iyo arrimaha qoyska.

33- C/risaaq Cumar Ismaaciil waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka warfaafinta, boosatada iyo isgaarsiinta.

34- C/raxmaan Xasan Yuusuf waxaa loo magacaaaby wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo warshadaha.

35- Dr. Nuur Axmed Yuusuf waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha.

36- Saciido Xuseen Cali Gees waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka beeraha iyo waraabka.

37- Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka deegaanka, dalxiiska iyo duurjoogta.

38- Maxamuud Maxamed Gabax waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda.

39-  C/risaaaq Shire Ismaaciil waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka shaqadda, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha.

40- Maxamed Jibriil Caateeye waxaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka maaliyadda.

Wasiiru dowlayaasha.

41- C/rashiid Cali Geelle waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xanaanada xoolaha.

42- Axmed Calimi Cawaale waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga.

43- Burhaan Cilmi Xirsi waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyadda iyo xiriirka caalamiga.

44- Bashiir C/raxmaan Gurxan waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka goboladda.

45- Axmed Siciid C/raxmaan waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha dekedaha, gaadiidka iyo amniga badaha.

46- Sayid Cumar Guuleed waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha caafimaadka.

47-  C/qani Geelle Maxamed waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha duulista hawadda iyo garoomada.

48- Cali Yuusuf Cabdi Giir waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha arimaha guddaha iyo dowladaha hoose.

49- C/raxmaan Jaamac Kulmiye waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha kaluumeysiga iyo kheyraadka badda.

50- C/weli Maxamed Yuusuf waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha amniga iyo DDR-ta.

51- C/fitaax Nuur Axmed Ashkir waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha warfaafinta, boostaha iyo isgaarsiinta.

52- Maxamuud Faarax Beeldaaje waxaa loo magcaabay wasiiru dowlaha maaliyadda.

53- Yasiin Cabdi Seed waxaa loo magcaabay wasiiru dowlaha waxbarashadda iyo tacliinta sare.

error: Content is protected !!