Weerar lagu qaaday fariisin ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa Mareykan ah ayaa habeenkii xalay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Sh/hoose, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Weerarkaasi oo muddo kooban socday ayaa sida la sheegay ku bilawday duqeyn iyo rasaas xoogan, waxaana la xaqiijiyay inuu ku dhintay sarkaal ka tirsan Al-shabaab, iyadoona seddax kale ay ku dhaawacantay, sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhaawacyadda seddaxda nin ee ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegayaa in markii dambe loo qaaday deegaan ku yaalla inta u dhaxeeysa gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa xulufadeeda ah, islamarkaana ay dileen tiro ciidankaasi ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo weerar ceynkaan oo kale ah lagu qaado fariisimaha ay gobolada Soomaaliya kaga sugan yihiin dagaalyahanada Al-shabaab.

error: Content is protected !!