Xildhibaanada oo maanta ka doodi doonna seddax qodob oo muhiim ah

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doonna dhowr qodob oo xasaasi ah, waxaana qodobadaasi ka mid ah joojinta soo dhoofinta badeecooyinka laga heli karo dalka in laga keeno dalka dibadiisa.

Seddaxda qodob oo ay maanta xildhibaanada ka doodi doonaan ayaa kala ah:-

1-  Soo jeedinta golaha ee joojinta soo dhoofinta badeecooyinka laga heli karo dalka
2- Ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
3- Aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka isgaarsiinta.

Maalintii shalay ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay wasiirkii hore ee dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Nuux u doorteen hab-dhowraha baarlamaanka.

error: Content is protected !!