Wasiir Yuusuf Garaad oo maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabay dhowr su’aal oo la weydiiyay.

Illaa 159 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kullan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxayna kullankooda su’aalo farabadan ku weydiiyeen wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, isagoona su’aalahaasi mid mid uga jawaabay.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar oo mar wax laga weydiiyay qaabka shaqada wasaaradda iyo shaqaalaha ay dibadda u dirto, ayaa ku jawaabay in Soomaaliya ay haatan dibadda ku leedahay illaa 40 safaradood oo qaarkood ay haatan si weyn u shaqeeyaan.

Su’aalaha kale ee la weydiiyay wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa ka mid ah halka uu ku dambeeyay gurigii safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sidoo kale, waxaa wax laga weydiiyay maxaabiista ku xiran dalalka dibadda, deeqaha waxbarasho ee la musuq-maasuqo, lacagaha faraha badan ee laga qaado xujeyda Soomaaliyeed iyo su’aalo kale oo badan.

error: Content is protected !!