Dowladda oo lagu wado inay ku dhawaaqdo mowqifkeeda la xiriira kalsooni kala noqoshadii Madaxweyne Cosoble

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay ku dhawaaqdo go’aankeeda la xiriira kalsooni kala noqoshadii Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa ku dhawaaqay in inta badan Xildhibaanada Hirshabelle ay kalsoonidii kala noqdeen Madaxweyne Cosoble, inkastoo uu Cosoble si xoogan uga horyimid.

Dowladda, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii wafdi Wasiiro ah oo uu horkacaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) u dirtay Magaalada Jowhar, si ay u soo qiimeeyan xiisadda u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Wafdigan oo Jimcihii shalay kulamo kala gooni gooni ahaa Magaalada Jowhar kula yeeshay dhinacyadaasi, ayaa isla gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya, ayaa mowqifkeeda ku salayn doonto wixii ay Magaalada Jowhar ku soo arkayn wafdigii Wasiirada ahaa ee ay u dirtay.

error: Content is protected !!