Qaraxyo khasaaro badan sababay oo ka dhacay wadanka Burundi

Saraakiisha Booliska iyo kuwa caafimaadka Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ayaa xaqiijiyay saddex ruux inay geeriyoodeen, halka ay dhaawacmeen 27 ruux oo kale.

Wararka ayaa sheegaya dadkaan inay ku waxyeeloobeen qaraxyo ka dhacay Magaalada Bujumbura, gaar ahaan goob ay dadka fariistaan oo Baar ah.

Qaraxyada oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ee Bamboyinka ayaa lagu weeraray goobaha ay fadhiyeen dadkaan, sida Booliska ay sheegeen.

Goobaha caafimaadka ayaa lagu daaweynayaa dadka dhaawacmay, kuwaasi oo xaaladooda ay kala duwan tahay.

Ciidamo badan oo Boolis ah ayaa lagu daadiyay Degmada Buyenzi, sida uu sheegaayo afhayeenka ciidamada Booliska dalka Burundi.

Pierre Nkurikiye, ayaa sheegay ciidamada inay wadaan hawlgalka baaritaanka ee la xiriira soo qabashada dadkii qaraxyada ku tuuray goobta Baarka ah.

error: Content is protected !!