Xildhibaan Goodax “Xukuumadda haka jawaabto eedda Madaxweyne Cosoble”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliya looga baahan yahay inay ka jawaabto eedeymaha uu u soo jeediyay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.

“Xukuumadda waa in ay jawaab ka bixisaa eedda uu u jeediyay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax, ayaa yiri “Shibta faraha badan waxaan u arki doonnaa inay wax ka ogtahay qalqalka iyo argagaxa ka jiro Jowhar.”

Cali C/laahi Cosoble, ayaa Khamiistii Magaalada Jowhar ka sheegay in Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu ka dambeeyo xiisadda siyaasadeed ee ku soo korortay Maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Cosoble, ayaa sidoo kale Ra’iisal Wasaare Khayre ku eedeeyay in uu dhaqaale ku bixinayo burburka Maamulka Hirshabelle.

Xarunta Maamulka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar, ayaa waxaa laga dareemay buuq siyaasadeed oo ka dhashay tallaabadii, ay Xildhibaanada Hirshabelle kalsoonida ugala noqdeen Madaxweyne Cosoble.

error: Content is protected !!