Sarkaal ka soo baxsaday Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Madaxii Caafimaadka Ururka Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud, Nuur Ibraahm C/laahi (Sakariye), ayaa isu soo dhiibay Dowladda Somaliya.

Sarkaalkan, ayaa xalay gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, markii uu wada hadal la furay masuuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan.

General Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha Ciidamada Dowladda Somaliya ee Bariga Gobolka Galgaduud oo ku sugan Degmada Maxaas, ayaa xaqiijiyay isa soo dhiibidda Sarkaalkaasi.

Taliyaha, ayaa waxa uu tilmaamay in ninkaasi uu si dirqi ah kaga soo badbaaday maleeshiyada Al Shabaab, markii la ogaaday in dowladda uu isu dhiibi rabo.

General Tareedisho oo la hadlay VOA, ayaan kala cadayn waxa ay Sarkaalkaasi ka yeeli doonaan iyo haddii ay u wareejinayan dhanka Magaalada Muqdisho iyo haddii kalaba.

error: Content is protected !!