Rabshado ka dhashay doorashada dib ku celiska ah ee dalka Kenya (SAWIRO)

Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhaceeysa dalka Kenya, ayaa waxaa hareeyay isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyadoo aan maanta la furin goobaha codbixinta ee deegaanada mucaaradka ay ku xooggan yihiin.

Ciidamada booliska Kenya ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa deegaanka Kibera ee caasimadda Nairobi, xilli ay isku dayayeen inay dhagxaan ku gooyaan goobaha codbixinta.

Rabshadaha ayaa sidoo kale ka dillaacay magaalada Kisumu, halkaasi oo tobaneeyo goobaha codbixinta ah ay xirnaayeen, islamarkaana saraakiisha doorashada la la’yahay meel ay jiraan.

Waxaa laga soo weriyay Kisumu iyo Migori in qof lagu dilay 8 kalena lagu dhaawacay isku dhac dhex maray taageerayasha mucaaradka iyo booliska, waxaana xiran inta badan degaankaasi oo rabshado ay hareeyeen.

Doorashada ku celiska ah ayaa timid laba bilood kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay in dib loo doorto, hase yeeshee doorashadiisa ayaa waxaa meesha ka saartay maxkamadda sare oo ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Si kastaba doorashada ku celiska ah ee maanta ayaa iyana qas madaxa la gashay. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay laba toddobaad ka hor, isaga oo ku eedeeyey guddiga doorashada ee IEBC inaysan wax horumar ah ka sameyn doorashada, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa inay qaadacaan.

Dhinaca kale, bayaan uu maalin ka hor doorashada soo saaray Mr. Raila Odinga ayuu ku ballan qaaday in isbaheysiga uu hoggaamiyo ee NASA uu isku roggi doono “Dhaqdhaqaaq wax iska caabin ah” kaas oo kasoo horjeeda doorashada maanta ka dhaceeysa dalkaas.

error: Content is protected !!