Ra’iisul wasaare Kheyre oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Ra’iisul wasaare Kheye iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa inta ay joogaan dalka Turkiga kulamo halkaasi kula yeelan doonna madaxda dowladda Turkiga, iyadoo lagu wado in heshiisyo ay kala saxiixdaan labada dal.

“Maalmaha aan joogo dalkani Turkiga waxaan madaxda ugu sareeysa dalkaan¬†kala hadli doonnaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood islamarkaana dowladda Turkigu uga qeyb qaadan laheyd horumarka Soomaaliya ka socda iyo dabar goynta argagixisada” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka mahad celiyay sidii ay madaxda dalkaasi¬† Turkiga ugu soo dhaweeyeen magaalada Ankara.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa markii uu safarkiisa soo gaba-gaboobo dib ugu soo laaban doonno magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!