Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada uu deegaan ahaan kasoo jeedo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo haatan weli ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa inuu maanta u amba-baxo magaalada uu deegaan ahaan kasoo jeedo ee Caabudwaaq.

Madaxweyne Farmaajo oo tan iyo xalay magaalada Guriceel kulamo kala duwan kula qaatay waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku ammaanay sida ay deegaanadooda uga saareen kooxda Al-shabaab.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu soo gaba-gabeeyo safarkiisa magaalada Caabudwaaq wuxuu safar gaaban ku taggi doonnaa magaalada Hobyo ee gobolka Galgaduud.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!