Madaxweyne Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada uu kasoo jeedo

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo maanta kasoo amba-baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa magaalada Caabudwaaq kusoo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku nool.

Sidoo kale, wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa inta aysan soo gaarin magaalada Caabudwaaq waxay soo mareen deegaanada Balanbale iyo Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ammaanka magaalada Caabudwaaq ayaa ah mid si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga magaaladaasi iska kaashanaya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo ciidanka AMISOM.

Dhinaca kale, howlgal ay ciidamadaasi ka sameeyeen magaalada Caabudwaaq ayaa la sheegayaa inay kusoo qab-qabteen kooxo maleeshiyo ah oo hub ku dhex sitay magaaladaasi.

Howlgalka ay ciidankaasi sameeyeen ayaa la sheegayaa inuu magaalada Caabudwaaq ka dhacay kahor inta aysan halkaasi soo gaarin wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka la filayaa inuu kusoo gaba-gabeeyo magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

error: Content is protected !!