Weerar ka dhacay dalka Canada oo geystay dhimasho iyo dhaawac

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday goob ay dadka isugu yimaadaan oo ku taalla magaalada Toronto ee dalka Canada.

Weerarkaasi ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyooday illaa laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali, halka ruuxa kalena uu ahaa qof ajabani ah.

Wiilka Soomaaliga ah ee weerarkaasi ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Nasrudiin Naasir, waxaana sidoo kale isla weerarkaasi ku dhaawacantay labo qof kale oo mid ka mid ah uu ahaa Soomaali.

Lama oga cidda rasmiga ah ee weerarkaasi ka dambeysay, balse ciidanka booliiska dalkaasi Canada ayaa haatan wada baaritaano ku aadan sidii ay wax u dhaceen iyo cidda weerarkaasi ka dambeysay.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa dalka Canada kusoo batay dilalka loo geysto dadka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, iyadoo muwaadinkii ugu dambeeyay ee Soomaali ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Biixi la dilay sanadkii hore ee 2017-ka.

error: Content is protected !!