Xildhibaanada beesha Mudulood oo go’aan kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee gobolka Banaadir

Shir deg-deg ah oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaanada kasoo jeeda beesha Mudulood ayaa lagu taageeray go’aankii ay odayaasha Muqdisho kasoo saareen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah xildhibaanada shirkaasi ka qeyb-gashay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay dhammaan xildhibaanada Mudulood ee shirka yeeshay ay taageereen maamulka gobolka Banaadir iyo howsha uu haayo, iyagoo maqaamka gobolka Banaadir ku tilmaamay inay tahay arrin u taallo labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim oo ka mid ahaa mudanayaasha maanta shirka ku yeeshay ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay isdejiyaan, islamarkaana maamulka gobolka Banaadir uu shaqadiisa sida caadiga ah u wato.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay maamulka gobolka Banaadir ku garab taagan yihiin go’aanadii ay soo saareen odayaasha, islamarkaana ay si buuxdo u taageerayaan.

Tan iyo markii xafiiska madaxweyne Farmaajo laga soo saaray qoraal siyaasadeysan oo ku saabsan bixinta danta guud, ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka bilawday shirar kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada, odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Mudulood.

Xiisadaasi siyaasadeed ayaa la sheegayaa inay ku saabsan tahay suurta-galnimada in xil ka qaadis lagu sameeyo guddoomiyaha maamulka  gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

error: Content is protected !!