Seddax caruur oo lagu soo furtay howlgal ay ciidanka xoogga dalka ku qaadeen Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalo culus ka fulliyeen deegaano hoostaga degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Col. Nuur Xasan Guutaale oo warbaahinta la hadlay ayaa u xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlagalo lagu baacsanaayo Al-shabaab ka fulliyeen dhowr deegaan oo hoostaga degmada Ceel-buur.

Sidoo kale, guddoomiye Guutaale ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalkaasi kusoo furteen seddax caruur ah oo ay Al-shabaab dooneysay inay maskaxda ka badalaan.

Guddoomiye Guutaale ayaa sheegay in seddaxdaasi caruur dhaqan celin loo sameyn doonno.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay ciidanka dowladda Soomaaliyeed howlgalo ka fulliyaan deegaano hoostaga gobolka Galgaduud, islamarkaana ay soo furtaan dhalinyaro ay Al-shabaab dooneysay inay maskaxda ka badalaan.

error: Content is protected !!