Xildhibaan Axmed Taajir oo si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu haayay

Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan (Axmed Taajir) oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xilka iska casilay, kadib markii xalay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xildhibaan Axmed Taajir oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday xarigii loogu geystay magaalada Kismaayo, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu mooshin ka qoray maamulka uu Axmed Madoobe madaxweynaha ka yahay.

“Anigoo ah xildhibaan Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir), ahna xildhibaan laga soo doortay degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, waxaan u sheegayaa shacabka aan metalo iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed, kadib markii aan arkay kala aragti duwanaan soo noq-noqotay iyo khilaaf soo noq-noqday iyo xariggii la ii geystay 30-ka January 2018, waxaan halkaan ka caddeynayaa inaan u tanaasulay shacabka reer Jubbaland iyo Hormarkooda, ayaa waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii xildhibaannimo ee aan u hayey shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan shacabka degmada Afmadow, waxaan ka shaqeynayaa mar walbo, wax walbo oo hormarin kara shacabka Jubbaland” Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Axmed Taajir.

Dhinaca kale, warar hoose aynu ka heleyno madax ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in sii deynta xildhibaan Axmed Taajir ay timid kadib markii uu aqbalay inuu fullin doonno shuruudo ay ka mid ahaayeen inuu warbaahinta ka shaaciyo in xilkii uu haayay ka tanaasulay.

error: Content is protected !!