Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wada-hadalka u socda jabhadda ONLF iyo dowladda Itoobiya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay wada-hadal muddooyinkaan dambe u socda dowladda Itoobiya iyo jabhadda ONLF oo ay haatan dhex-dhexaadineyso dowladda Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo dhaweeyay wada-hadalkaasi u socda dowladda Itoobiya iyo jabhada ONLF, kaas oo weli ka socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweeynayaan wada-hadal kasta oo gobolka dan ugu jirto, iyo maslaxadda guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in gobolka geeska Afrika ay dan ugu jirto xasillooni.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa sheegay inaysan weli furmin wada-hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, balse uu fillaayo in si deg-deg ah loo billaabo.

error: Content is protected !!