Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo xilkii iska casilay

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in xilkii uu ka haayay dalkaas uu iska casilay.

Khudbad toos ah oo muddo 30 daqiiqo ah socotay ayuu Jacob Zuma kaga dhawaaqay inuu xilka madaxweynenimo ka degay, islamarkaana uu si deg-deg ah xilkaasi u wareejin doonno.

“Waxaan go’aansaday inaan gebi ahaan isaga deggo xilka madaxweynaha jamhuuriyadda, waxaana si deg-deg ah ku wareejin doonnaa xilkaan”. Sidaasi waxaa yiri Zuma oo muddo sagaal sano ah soo xukumayay dalka Koonfur Afrika.

Arrintaan ayaa sida la sheegay ka dambeysay, kadib markii xisbiga ANC uu u qabtay muddo 48 saacadood ah inuu xilka kaga dego.

Madaxweyne cusub ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa waxay tahay in lagu soo doorto muddo 30 cisho gudaheed, iyadoona dhinaca kale ay wax saameyn ah ku yeellan doonin howlihii shaqo ee golaha wasiiradda dalkaas.

error: Content is protected !!