Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji oo ku guuleystay kursigii uu walaalkiis ka geeriyooday

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkan Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu doortay kursi ka bannaanaa golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya, kaas oo ah kursi ay leedahay beesha Hubeer.

Kursigaan oo doorashadiisa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay Fardowsa Xuseen Maxamed iyo Maxamuud Sheekh C/laahi Siraaji, waxaana codeyntii kadib ku guuleystay Maxamuud Sheekh C/laahi Siraaji oo ah wiil ka yar, lana dhashay wasiirkii hore ee howlaha guud Cabaas Siraaji oo kursigaan ka geeriyooday.

Natiijada doorashada ayaa noqotay in Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji uu helo 50 Cod, halka Fardowsa Xuseen Maxamed aysan helin wax cod ah, waxaana hallaabay hal cod.

Ugu dambeyntii, guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in xubintii xildhibaanimo ee beesha Hubeer uu kusoo baxay Maxamuud C/laahi Sheekh Siraaji oo ah walaalka Marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji oo 3-dii bishii May ee sanadkii tegay ee 2017-ka lagu dilay magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!