Wafdi ka socda Qadar oo booqday goobo ay ka fullin doonaan mashaariic baahsan (SAWIRO)

Wafdi qubaro ah oo ka socda dowladda Qadar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si ay qiimeyn ugu sameeyaan mashaariic dhisme ah oo ay ka fullin doonaan Muqdisho iyo labada Shabeelle.

Waxaa wafdigaasi hoggaaminayay madaxa farsamadda ee wasaaradda howlaha guud ee dalka Qadar Eng. Axmed Alansaari, waxayna booqdeen wadooyinka Muqdisho illa Jowhar iyo  sidoo kale Muqdisho illaa Afgooye oo sanduuqa horumarinta ee Qadar uu maal-gelinayo dib u dhiskooda.

Sidoo kale, wafdigaasi ayaa kullamo la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wasiirka qorsheynta, howlaha guud iyo xubno ka tirsan dowladda Soomalaiya.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa sheegay inay qorsheynayaan qaabkii loo billaabi lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka.

error: Content is protected !!