Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya (SAWIRO)

Sarkaal ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu isku soo dhiibay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Sarkaalka is-dhiibay oo lagu magacaabo Shuuri Aadan Dhimbil ayaa sida la sheegay kasoo goostay xerada Kabis ee ku taalla duuleedka magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, isagoo xilligaasi ku hubeysnaa qori AK-47 ah, bistoolado iyo teleefano ay lahaayeen ciidamadii uu hoggaaminayay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka Gedo Cismaan Nuur Xaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sidoo kale degmada Baardheere uu iska soo dhiibay xubin kale oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana uu haatan gacanta ugu jiro ciidanka dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa sii kordhayay shaqsiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee isu dhiibaya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay garwaaqsadeen inay fikir qalad laga dhaadhiciyay.

error: Content is protected !!