Wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dil maalintii shalay ka dhacay degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo loo geystay askari katirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askarigaasi lagu dilay isgoyska Baar-Ubax ee degmada H/wadaag, islamarkaana ay dilkiisa geysteen 5 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab oo ku hubeysnaa bistoolado.
Wuxuu afhayeenka sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo dilka kadib ku baxay halka dilka uu ka dhacay ay u suurto gashay inay gacanta kusoo dhigaan 3 kamid ah Shabaabkii dilka geystay, halka labada kalena ay baxsadeen.
Sidoo kale, wuxuu afhayeenku sheegay in qabashada raggaasi dilka geystay ay ku timid wada-shaqeyn dhex-martay laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan nawaaxiga goobta uu dilka ka dhacay.
Afhayeenka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada la hor-keeni doonno seddaxdaasi nin ee eedeysanayaasha ah oo haatan su’aalo lagu weydiinayo xarunta dambi baarista ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, saraakiil ka tirasan Al-shabaab oo ka hadashay dilkaasi ayaa waxay sheegeen inuu ka dhacay nawaaxiga masjidka Xareed, islamarkaana ay fulliyeen niman ka tirsanaa dagaalyahanadooda.