Ciidamada Somaliland oo xiray siyaasi ku dhawaaqay in maamul goboleed cusub uu dhisayo

Wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen nin siyaasi ah oo dhawaan ku dhawaaqay inuu dhisaayo maamul goboleed cusub oo ka madax banaan Somaliland.

Siyaasiga Saleebaan Ibraahim Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu dhisayo maamul la magac baxay Saaxiland, kaas oo ka madax banaan maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay ka caroodeen hadalka siyaasigaasi ku dhawaaqay, waxayna amreen in ninkaasi si deg deg ah loo soo xiro loona horgeeyo maxkamad.

Siyaasiga la xiray ayaa si weyn uga soo horjeestay shirkada Imaaraadka ee lagu wareejiyay dekadda Berbera, waxa uu sidoo kale kasoo horjeeday sahaminta shidaalka ee laga billaabayo magaalada Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa xarig ku haya dadka siyaasada maamulkaasi kasoo horjeesta ama taageera siyaasada Somaliweyn, waxaana deegaanada maamulkaasi ku xir xiran dad badan oo siyaasad u xiran.

error: Content is protected !!