Ciidanka Kenya oo gacanta ku dhigay gaari ay saaran yihiin hub iyo waxyaabaha qarxa

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda booliiska ay qabteen gaari ay saaran yihiin hub iyo waxyaabaha qarxa, kaas oo sida ay sheegeen ka yimid dalka Soomaaliya.

Gaarigaan la qabtay ayaa la sheegay in waxyaabaha saaran ee qaraxa ah uu u waday dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ku sugan gudaha dalka Kenya.

Maamulka gobolka Isiolo ee dalka Kenya ayaa sheegay in gaarigaan waxyaabaha qarxa waday ay qabteen, kadib markii ay heleen xogtiisa, waxa ayna sheegeen in gaarigaan la baarayo halka rasmiga ah ee loo waday.

Saraakiisha ciidanka booliiska ee gaarigan gacana ku haya oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in gaariga la qabtay ay saarnaayeen miinooyinka dhulka lagu aaso, qoryo, bambooyin iyo mindiyo .

Sidoo kale, gaariga la qabtay ayaa la sheegay inay saarnaayeen kiimikada laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana waday labo nin oo Kenyan ah, kuwaas oo la sheegay inay baxsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalyahanadda Alshabaab ayaa gudaha dalka Kenya ka geysata weeraro toos ah iyo qaraxyo, waxayna kooxda Al shabaab mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalkaasi.

error: Content is protected !!